Om Kronoberg tillsammans – somaliska

Många människor står tillsammans.

Marki ay qaxooti badan yimideen Sweden 2015/16 waxaa soo baxday baahida loo qabo kaabad macluumaad oo loogu tala galay kuwa rabaan in ay caawiyaan qaxootiga yimid gobalka Kronoberg. Waxay taasi khuseysaa ururinta dharka iyo kabaha iyo sidoo kale macluumaad ku saabsan wax qabadka. Maamulka goboleedka Kronoberg wuxuu markaas sameeyay kronobergtillsammans.se.

Tan iyo markii la sameeyay kronobergtillsammans.se 2016, waxaa bogga intarneetka laga dhigay kaabad macluumaad oo aad loo yaqaan oo loogu tala galay megengelyo doonka iyo dadka waddanka ku cusub. Ku dhawaad 20,000 oo jeer ayaa sanadkiiba la booqdaa bogga intarneetka.

Dowladda ayaa maamulka gobaleedka u xil saaratay qaabilaadda megelgelyo doonka iyo saldhigashada. Waxaan tusaale ahaan faafineynaa macluumaad ku saabsan dadaallada iyo waxqabadyada caawinta dadka marka ay Iswiidhan iska degayaan.

Is-dhexgalka

Bogga intarneetka waxaa maanta ku jira macluumaad ku saabsan waxqabadyada, tusaale ahaan koorsooyin ku aaddan sida loo baranayo af-iswiidhishka iyo sida ay bulshada Iswiidhishku u shaqeyso. Waxaa kaloo jira dhaqdhaqaaqyo bulshadeed oo aad kula kulmi karto dad kale.

Way fududdahay in waxqabadyada laga helo jadwalka taariikhda ee bogga intarneetka iyo in la isku qoro hanuuninta dadweynaha. Inta lagu jiro isdhexgalka, waxaa sidoo kale jirta fursad ay ururrada (jilayaasha) ku arkaan tirakoobka tirada magangalyo-doonka iyo soogalootiga cusub iyo sidoo kale dadaal la geliyo kooxaha la beegsanayo. Ururro raadinaya tabarrucayaal, maqsinno ama laga yaabo in ay hogaamiyayaashu la xiriiri karaan kronoberg.tillsammans@lansstyrelsen.se wixii su’aalo ah ee ku saabsan bogga internetka.

Kooxaha bartilmaameedka ah:

• Magangelyo-doon, soo galootiga cusub iyo kuwa kale ee u baahan taageerada sal dhigashada

• bulshada rayidka iyo degmooyinka

U diyaargarowga qalalaasaha oo af iswiidhish fudud ah

Sannadka 2019, wuxuu maamulka gobalku go’aansaday in kronobergtillsammans.se sidoo kale loo isticmaalo in lagu bixiyo macluumaadka u diyaargarowga qalalaasaha oo ah af Iswiidhish fudud iyo u tilmaamid luqado kale. Hadafka maamulka gobalka ee u diyaargarowga xasaradaha waxaa ka mid ah inuu la xiriiro qof kasta oo ku nool gobolka, xitaa kuwa aan ku hadlin luqadda Iswiidhishka oo ay ku adag tahay inay fahmaan macluumaadka hey’adaha dowladda.

Kronobergtillsammans.se waa bog loogu tala galay in aad isugu diyaarisid xasaradaha, kuna ogaatid halka aad la xiriireysid haddii xaalad degdeg ahi timaado. Maaha bog ay tahay in uu xog bixiyo haddii ay dhacdo in ay timaado dhibaato degdeg ah.

Kooxaha bartilmaameedka ah:

• Magangalyo doon, soo galooti cusub iyo kuwa kale ee aan si fiican u aqoon Iswidhishka

• bulshada rayidka

VÄV Kronoberg

Kronobergtillsammans.se waxa kale oo jira bog/baab ku saabsan, looguna tala galay VÄV Kronoberg (hore Vi i Växjö) – shabakad isu keenta jaaliyado iyo ururro u qabta hawlo loogu talagalay kooxaha hadda loo dan leeyahay. Shabakadda sidoo kale waxaa ku jira jilayaal taageero sida degmooyinka, maamulka gobolka iyo gobolka Kronoberg. Baabka VÄV Kronoberg waxa ugu horayn loogu talagalay kuwa firfircoon ee shabakada VÄV Kronoberg.

Hawlaha ay qabtaan xubnaha firfircoon ee shabakaddu waxay ku qoran yihiin jadwalka.